Bastian Schweinsteiger ayaa daaha ka qaaday in kooxda kowaad ee Manchester United uu ka saaray Jose Mourinho sanad guuradiisa 32-aad waxaana lagu qasbay inuu tababar la qaato da’yarta kooxda ee 16-jirada.

Schweinsteiger ayaa waxaa United keenay Louis van Gaal sanad ka hor, iyadoo ciyaaryahanka reer German, uu muhiim u ahaa lagu  intii ay  wada joogeen Bayern Munich, dhaawacyo ku soo noq noqday darteet xidiga rer Jarmal waxaa hoos u dhacay qaaab ciyaareedkiisii lagu yaqaanay, ayadoo xataa ay saamaysay Euro 2016.

Laakiin ka dib markii uu ku soo laabtay xilli ciyaareedkii hore ee United xagaagii, Mourinho wuxuu u muuqday inuu go'aansaday maalintii ugu horeysay in Schweinsteiger uusan door ku yeelan doonin jihada cusub wuxuuna ka saaray kooxda koowaad.

"Aad ayaan u murugooday sababtoo ah United waxay ahayd kooxda labaad ee qalbigeyga, wax badan ayaan bixiyay markii aan sidoo kale u ciyaarayay, sidaa darteed waa sababta aan u murugooday, laakiin ma ihi qof u orda warbaahinta, waa wax badan. muhiim ayay ii tahay inaan diirada saaro kubada cagta oo aan u dhaqmo sidii aan sameeyay,” 39-sano jirkaan ayaa u sheegay Gary Neville on The Overlap.

"Markii aan imid maalintii ugu horeysay, waxaan la tababartay Zlatan Ibrahimovic, waxaana u maleeyay inay tahay wax weyn, ciyaaryahan leh aragti iyo la yaab leh in aan la ciyaaro. Maalintii xigtay, dhalashadayda, markii aan soo galay Carrington, [Agaasimaha kubada cagta ] John Murtough ayaa halkaas joogay oo ii sheegay in aan la ii ogolayn in aan galo qolka labiska - tababaraha ayaa sidaas yidhi.

“Waxay ahayd in aan ka codsado in uu ii keeno kabahayga iyo qalabka tababarka, waxa aan waydiiyay cidda aan tababarka la qaadanayo, waxa uu ii sheegay in ay jiraan kooxda 16 jirada, markaas ayaan u tagay oo aan la tababartay iyaga, markii ugu horaysay ee aan qof raali galiyay Waxay ahayd markii aan go'aansaday inaan ka tago Manchester United oo aan aado Ameerika.

“Waxa aan waydiiyay Jose hadii aan taas samayn karo waxa uu iga raali galiyay qaabkii uu iila dhaqmay bilowgii, waxa uu ku qasbanaaday in uu i fasaxo waayo mar kale ma samayn karo wax iga gees ah”.

Waqtigii uu musaafurinta ahaa, Schweinsteiger waxa uu ahaa ku guulaystihii Champions League iyo koobka adduunka, waxa uu 500 kulan u saftay Bayern Munich iyo in ka badan 100 kulan oo uu u saftay Germany. Waxa uu afar jeer u soo ciyaaray United intii uu Mourinho hogaaminayay (Mid ka mid ah Premier League) waxaana si la yaab leh loogu yeedhay tababarka dhamaadkii October ka dib markii ay qaybtii ugu fiicnayd saddex bilood ka maqnayd. Laakiin waxa uu si degdeg ah u baxay March 2017.

Schweinsteiger waxa uu ahaa 32 jir kaliya maalintii uu Mourinho go’aansaday in aanu wax faa’iido ah lahayn waxana uu ahaa go’aan si wax ku ool ah u soo afjaray xirfadiisa heerkii ugu sarreeyey, markaas oo dad badan ay filan lahaayeen in ay wakhti dheer sii ciyaaraan. Wuxuu sannadihiisii ​​ugu dambeeyay ee xirfadeed ku qaatay Chicago Fire ee MLS ka hor inta uusan ka fariisan 2019.