Chelsea ayaa xaqiijisay in weeraryahanka reer France ee Christopher Nkunku uu ku soo laabtay tababarka kooxdiisa xilli uu ku dhaw yahay inuu ka soo laabto dhaawac muruqa ah.

Ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ku seegay qeybtii hore ee xilli ciyaareedka, Nkunku ayaa kaliya toban kulan u saftay ka hor inta uusan dhaawac muruqa ah ka soo gaarin taasoo keentay inuu garoomada ka maqnaado tan iyo bishii Febraayo.

Wax yar ayaa laga ogaa darnaanta Nkunku arintii ugu dambeysay laakiin warbixinta dhaawaca todobaadlaha ah ee Chelsea ayaa hadda shaaca ka qaaday in 26 jirkaan uu u dhaqaaqay hal talaabo oo soo laabasho ah isagoo ka qeyb qaatay qaybo ka mid ah tababarka.

“Waxay qiimeeyaan isaga maalinba maalinta ka dambaysa, maalmihii ugu dambeeyay waxa uu fursad u haystaa in uu ku lug yeesho qaybo ka mid ah tababarka”ayuu yidhi tababaraha kooxda Mauricio Pochettino Jimcihii.

"Hadda waxaan u baahanahay inaan aragno falcelinta jirkiisa iyo ka dib sida uu uga qayb qaadan doono, waxaan rajeyneynaa inaan ka soo kabsaneyno isaga, waxaana uu diyaar u noqon karaa sida ugu dhaqsaha badan ama ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka."

Goolhaye Robert Sanchez oo xanuun ku maqnaa ayaa sidoo kale ku soo laabtay tababarka kooxda, halka xiddiga garabka ka ciyaara ee Raheem Sterling uu ka soo kabtay xanuunkiisa oo uu si buuxda mar kale diyaar u yahay.

Enzo Fernandez iyo Axel Disasi ayaa labadoodaba soo laabtay ka dib markii ay seegeen kulankii ay 6-0 kaga badiyeen Everton, waxaana mahadsan Pochettino, ma jiraan wax cusub oo lagu soo daray liiska dhaawacyada.

Chelsea waxaa ka maqan Levi Colwill, Wesley Fofana, Reece James, Romeo Lavia iyo Lesley Ugochukwu kulanka ay Wembley ku wajahayaan Manchester City, kooxdii hore ee Cole Palmer, sabtida.

“Waxa uu horeba u ciyaaray laba jeer [Man City],” Pochettino ayaa ka yidhi Palmer. “Aad ayuu uga mahadcelinayaa Man City, Pep Guardiola, mar walba aad ayuu uga hadlaa iyaga.

"Ma ahan ciyaaryahan noocan oo kale ah inuu wax ku haysto gudaha, si fiican ayuu u fahmay in laga yaabo in sababo kala duwan uu doonayo inuu isku muujiyo koox kale. Waad ku mahadsan tahay Manchester City fursadda aad siisay inuu u wareego koox kale."