Manchester United ayaa xaqiijisay in Jason Wilcox loo magacaabay agaasimaha cusub ee farsamada kooxda.

United ayaa ku socotay dib u habeyn gudaha ah ka dib markii Sir Jim Ratcliffe uu iibsaday 28% saamiga kooxda, iyadoo madaxa INEOS uu la wareegay howlaha kubada cagta.

Waxa uu si dhakhso ah u aqoonsaday agaasimaha kubada cagta ee Southampton Wilcox inuu yahay mid ku haboon doorka agaasimaha farsamada, ka dib horumarkii uu wadahadalka kula yeeshay Southampton ee ku saabsan magdhowga, United ayaa dhamaystirtay heshiis waxayna ku dhawaaqday inuu imanayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay United ayaa lagu yidhi: “Jason Wilcox waxa uu ku biiray Manchester United isaga oo ah agaasimaha farsamada isla markiiba.

"Wuxuu la shaqeyn doonaa dhammaan dhinacyada farsamada ee waaxda kubbadda cagta si loo gaaro heerarka ugu sarreeya ee waxqabadka."

Southampton ayaa si cad uga niyad jabtay bixitaankii Wilcox, waxayna bayaan ay soo saareen ku yidhi: “Kooxda kubbada cagta Southamton waxay maanta xaqiijin kartaa inay si cagajiid ah u ogolaatay inuu agaasimaha kubada cagta Jason Wilcox ku biiro Manchester United, iyagoo heshiis la gaadhay kooxda Premier League. khidmad magdhow ah oo la aqbali karo.

"Iyadoo ay kooxdu si dabiici ah uga niyad jabsan tahay in Jason joogitaankiisa Southampton uu qaatay kaliya sagaal bilood, waxay u rajaynaysaa wanaag mustaqbalka."

Iyada oo qayb ka ah isku shaandhaynta Ratcliffe, United ayaa dhawaan xaqiijisay inuu ka tagayo agaasimihii kubbadda cagta ee mudada dheer John Murtough.

DAQIIQADII 90 AAD Man United ayaa wali isha ku haysa in ay u magacawdo kooxda Newcastle Dan Ashworth agaasimeheedii ugu horeeyay ee isboorti laakiin ma doonayaan in ay bixiyaan lacag aad u badan si ay uga fasaxaan heshiiskiisa.

Wadahadalladii Southampton ee Wilcox, kaasoo horay uga soo shaqeeyay doorar akadeemiyado kala duwan ee Manchester City intii u dhaxaysay 2013 iyo 2023, ayaa ahaa kuwa fudud sababtoo ah dalabaadka Saints oo isbarbardhig hooseeya.

Wilcox waxaa dhawaan ku biiri doona United saaxiibkii hore ee City Omar Berrada, kaasoo noqon doona maamule guud wixii ka dambeeya xagaagan. Imaanshaha Ashworth dambe waxa loola dhaqmayaa sidii arrin 'goorma'' ee maaha 'haddii' madaxda United.