Mikel Arteta ayaa sheegay in Arsenal ay ku qasban tahay inay qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigto Munich ka dib markii ay labo gool ku siisay Bayern lugtii hore ee wareega 8da Champions League.

Gunners ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad in ay ka badiso Bayern oo aan isku waafaqsanayn garoonka Emirates, laakiin waxa ay ku guul darraysatay in ay ka gudubto kooxda Bundesliga ka dhisan inkasta oo ay xilli hore hogaanka ciyaarta ku haysay Bukayo Saka.

Laacibkii hore ee Arsenal Serge Gnabry ayaa ciyaarta barbareeyay ka hor inta uusan Harry Kane rigoore dhalinin markii uu ku soo laabtay waqooyiga London.

Goolkii barbaraha ee Leandro Trossard oo bedel ku soo galay ayaa Arsenal u xaqiijiyay inay ku wajahan tahay Munich toddobaadka soo socda, laakiin Arteta ayaa qirtay inay kooxdiisu tahay inay bartaan sida naxariis darada ah ee Champions League ay uga horreyso lugta labaad.

"Champions League waxba ma siin kartid kooxda naga soo horjeeda, waxaana siinay laba gool, marka aad xaaladaan ku jirto waxaa lagugu ciqaabi doonaa, taasina waa casharka ugu weyn" ayuu yiri tababaraha reer Spain.

"Ma aanan arkin," Arteta ayaa yiri "Go'aanka waa la gaaray, ma bedeli karno taas. Waa inaan diirada saarnaa dhinacyo kale oo aan xakameyn karno iyo inaan sameyn karno si ka wanaagsan caawa."

Ciyaartii kale ee xalay, Real Madrid iyo Manchester City ayaa barbaro 3-3 ah ku wada ciyaaray garoonka Santiago Bernab̩u Рkooxda badisa waxay la ciyaari doontaa Arsenal ama Bayern afar dhamaadka.